Labo kamid ah wariyayaasha Idaacada Andulus oo ciidamada doowlada Isku soo dhiibay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xaruunta Baay, ayaa sheegay in saakay aroortii labo kamid ah wariyayaasha Idaacada Andulus ee ku hadasha Afka Al-shabaab ineey isku soo dhiibeen Ciidamada doowlada ee halkaas ku sugan.

Labadaan wariye ee isa soo dhiibay ayaa lagu kala magacaabaa (Cabdikariin jikarta iyo aweys cumar), waxaana la sheegayaa in hada ay ku suganyihiin saldhiga Ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo.

Wararkaan oo aan kasoo xiganay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho, ayaan jirin ilaa iyo hadda cadeeymo sax ah oo xaqiijinaya in ay isa soo dhiibeen Wariyayaal katirsan Idaacada ku hadasha Afka Al-shabaab ee Andulus, laakiin wixii warar ah ee kusoo kordha waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo aadan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here