Labo gabdhood oo walaalo ah ayaa doorwayn ka qaatay dib u dhiska dalka

 Waa gabdho walaalo ah, Ilwaad Elman 23-jir iyo Iimaan 21-jir ah waxa ay ku sugan yihiin xarunta nabadda ee Elman

Waa gabdho walaalo ah, Ilwaad Elman waa 23-jir iyo Iimaan oo 21-jir ah waxa ay ku sugan yihiin xarunta nabadda ee Elman

MOGADISHU, SOMALIA— [MIC] Labo gabdhood oo uu dhalay Elman Cali Axmed oo 21-sanno ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho, ayaa maanta door wayn ka qaadanaya dib u dhiska dalka.

Labadan gabdhood oo heesta dhalashada dalka Canada ayaa dib ugu soo laabtay dhawaan Muqdisho, iyagooona ka soo tagay magaalada Ottaw ee Canada, waxaan ay u soo laabteen in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Imaan iyo Ilawaad waa labo gabdhood oo walaalo ah, waxa ay hadda ugu horreeyaan dadka sida wayn uga dhex muuqda dib u dhiska dalka.

Mid ka mid ah gabdhan waa askariyda kana tirsan ciidamada Millatariga Soomaaliya oo waxa ay ku jirtaa furmaha dagaalka, waxana ay dalka ka difaaceysaa cadowga Al-Shabaab.

Imaan oo 21-jir ayaa labo sanno ka hor ku biirtay ciidamda Millatariga Soomaaliya, waxaana ay si naadir ah lagu arkay wadooyinka Muqdisho sid ay lee dahay shabakadda warkan ka qortay labadan gabdhood ee walaaha ah.

Waxa ay meelaha qaar ku tagtaa hijaab iyo goono, maadama xaaladda magaalad ay tahay mid halis ah, waayo taliye ciidan, waana qofkii ugu horreeay oo haween ah oo shaqadaas qabata.

Imaan waxa ay taliye u tahay 90-nin oo uu ka kooban guutada ay hoggaamiso, waxa ay lee dahay weli kuma fikirin heerkan balse waa mid aan ku gaaray dedaal aan sameeyay.

Waxa ay sheegtay in arrintan ay ku fikirtay iyadoo ku sugan dalka Canada waxa ay intaas ku dartay in dad badan ay ku yiraadeen ma ahan shaqo aad qaban karto laakin “Waxaan rabaa in aan jabiyo firkaradaas ay dad badan aaminsan yihiin” ayey tiri

Iwaad waa 23-jir, waxaa kaloo ay iyana rabtaa in wax ka qabato dhibaatooyinka lagu hayo dumarka iyo in kor loo qaado xuquuda ay lee yihiin, waxa ay magaalada ka horgalisay Xarunta Nabadda Elman.

Xaruntan waxaa sameeyay iyada iyo hooyadeedn Fartuun Aadan kuwaasoo kasoo laabtay dalka Canada, waxaana ay ugu talagaleen in dumar ay u dooddaan kuwa dhibanaha ah isla markaana ay mujiin karaan wax yaabaha loo geestay.

Ilwaad ayaa sheegtay in magaalada Ottawa ay ka soo tagtay sannadkii 2010-kii, waxaana ay sheegtay in ay dalka u timid siddii ay u soo booqon lahayd hooyadeed, laakin aysan dib u laaban.

Labadan gabdhood Aabahood Elman Cali Axmed ayaa si wayn loogu yaqiin arrimaha nabadda ee magaalada Muqdisho horaantuu sannadkii 1990-kii, xilligaas oo ay burburtay dowladii dhexe ee dalka ka jirtay, waxaana dalka ka billowday dagaal sokeeye.

Wuxuu marxuumka xareeb jiray carruurta darbi jiifka iyo kuwa agoonta, isagoona u fidin jiray xanaano iyo wax-barasho, wuxuu sameeyay barnaamijyo nabadda lagu horrumarinaayo, waxaana ka mid ahaa “Iftiinka Nabadda” maadama xilligaas magaalada ay gacanta ku hayeen qabqalayaal dagaal.

Laakin nasiib daro waxa ay noqotay markii bishii March 9-keedii 1996-dii Elman kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho, dilkiisana ma jirin cid loo soo qabtay.

Elman wuxuu jiray 42-sanno markii la dilaayay, seddax sanno kaddibna sannadkii 1999, xaaskiisa waxa ay uguurtay  magaalada o Ottawa halkaas oo iyada iyo gabdheheeda oo yer-yeraa xilligaas ay u la carartay, waxaa ay ahaayeen markaas Ilwaad, Iimaan iyo walashood ka wayn ee Almas .

“Waxa ay u muuqdaan gabdhahan kuwa nabadda diirada saaraya, waxa ay abuureen arrimo badan oo la xiriira xagga nabadda,” sidaas ayuu yiri , Axmed Cabdisalam Aadan oo ah adeerkooda.

Fartuun Aadan waxa ay ku faraxsan tahay in gabdhaheeda ay sharraftan keenaan, iyada waxa ay ku soo laabatay dalka sannadkii 2007 -waxa ay ka shaqeeneysay tan iyo xilligaas arrimaha xuquuqda aadanaha, bishiii March, waxaa laguduun siiyay abaalmarin ku la xiriirta dhiirigalinta haweenka waxaana siiyay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka.

Sannadkii 2010, markii ay Ilwaad iyo  Iimaan ku soo laabanayeen  Mogadishu,waxaa inta badan magaalada gacanta ku heysay Al- Shabab kuwaasoo weli ku xooggan dalka, waxaana ay geestaan weeraro, sida kii ka dhacay dhismooyinka hey’addaha garsoorka Muqdisho oo dhacay bishii la soo dhaafay.

Xigasho : http://www.thestar.com/news

Waxaa Tarjumay warkan Bahda Shabakadda Midinimo Information Center.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here