Faah-faahin:Shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Adde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradahaan ayaa mid kamid ah laga lahaa dalka Gambiya, tankalena waxay ahayd diyaaradaha taakuleynta Ciidamada AMISOM, ayaa baalasha isku dhuftay xili ay tan AMISOM soo fariisaneysay garoonka islamarkaasna ay garoonka sii fadhiday diyaarada Gambiya, oo maalin kahor garoonka Muqdisho ku ciladoowday.

Diyaarada AMISOM, ayaa la sheegay ineey kasoo duushay magaalada Baydhabo, waxayna kusii jeeday gudaha magaalada B/weyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Dhanka kale diyaarada laga lahaa wadanka Gambia ayaa shalay soo gaartay magalada Muqdisho, waana markii ugu horeysay ay timaado gudaha dalka Soomaaliya, balse isla shalay ay ku ciladoowday gudaha garoonka Aadan Adde, shalay gelinkii danbana ay timid diyaarad kale oos iday qalabkii lagu hagaajin lahaa diyaaradan ciladoowday.

Diyaarada u adeegta Ciidamada AMISOM, ayaa markii soo dageysay baalkeeda ku dhufatay baalka diyaaradalaga leeyahay wadanka Gambiya, qasaaraha ugu badan ayaana la sheegay inuu soo gaaray diyaarada u adeegaysay AMISOM, waxaana la xaqiijiyay inuu dhaawac kasoo gaaray qaybta keydka shidaalka.

Waxyaabaha ugu weyn ee sababay isku dhaca labadaan diyaaradood, ayaa waxaa lagu sheegay iney ahayd ciriiri kajiray gudaha garoonka diyaaradaha ee magalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay diyaaradaha fariistaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here