Labo Askari oo ka Tirsan Dowladda oo Saaka Dil Toogasho ah Lagu Fuliyay

Iyadoo shalay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ay xukun ku fulisay todobo ruux oo afar kamid ah ay yihiin ciidanka ayaa saaka maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya waxa ay dil ku fulisay labo askari.

Askarta saaka falka dilka ah lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala eedeeyay inay geesteen dil iyo sidoo kale kufsi gabar loo geestay.

Barxada iskuul buluuziya ee Magaalada Muqdisho ayuu ka dhacay falka dilka ah iyadoo goobta dilka uu ka dhacay ay ku sugnaayeen saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta maxkamada ciidamada qalabka sida.

Waxaana askarta dilka lagu fuliyay lagu kala magacaabi jiray Jamaal Axmed oo ahaa Kormeere Labaad ee ciidamada Booliiska oo fal dil ah geystay iyo Dable XDS  Cabdi Cismaan Cali oo kufsi u geystay gabar Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii Madaxweynaha uu amar ku bixiyay in askarigii geesta kufsi la toogto dil maanta lagu fuliyo labadaasi askar.

Masuuliyiinta Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa ku sugnaa goobta dilka uu ka dhacay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here