Labao ruux oo xalay lagu dilay Degmada Laas-caanood

Waxaa xalay degmada Laas-caanood ee gobolka Sool lagu dilay laba ruux oo katirsan maamulka Somaliland,Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiinta dhanka Maaliyadda u qaabilsan Maamulka Soomaaliland inkastoo midka kalena sida la sheegay uu ahaa qof rayid ah.

Ilaa iyo hada majirto cid si toos ah usheegatay masuuliyadda dilalkaas,waxaana ciidamada Somaliland ay baaritaanno ka sameeyeen goobta uu dilku ka dhacay wallow aan cidna loo soo qaban.

Dilalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo guddoomiyha degmada Laas Caanood uu xalay ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu khaarijiyo,kagadaal markii guriga uu daganaa lagu weeraray Bambaanooyin kuwaasoo waxyeelo gaarsiiyay qaar katirsan eheladiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here