Labada Sudan oo mar kale dagaalamay

Dagaal ayaa ka dhex qarxay dowlahaha Sudan iyo South Sudan, maalmo yar kadib marki ay Koonfurta Sudan ka baxday deegaanka lagu muransanaa ee Higlig.

Saraakiisha milatariga South Sudan ayaa sheegay in Sudan ay weerar kusoo qaaday xadkeeda iyada ay jireen duqeymo iyo weeraro dhulka intaba.

Sudan dhankeeda way xaqiijisay in ay jireen isku dhacyo kuwaasi oo yimid 10-maalin kadib oo ay labada dhinac isku hayeen deegaanka saliida hodanka ku ah ee Heglig.

Sawiro uu qaaday Satellite-ka oo Axadi lasoo bandhigay ayaa muujinaya in xarumaha ceelasha shidaalka si xun u dhaawacmeen iyadoo sidoo kalana laga yaabo in aysan shaqeyn kareynin mudo dheer.

Sawirada oo ay qaaday xarunta Satalaytyada Mareykanka ee Satellite Sentinel Project (SSP), tasi oo sheegtay in aysan macquul aheyn in la ogaado cida mas,uulka ka ah.

Sudan iyo South Sudan labaduba way isku eedeeyeen mas,uuliyada weerarka lagu qaaday xarumaha shidaalka, waxaana marki danbe Jimcihi ciidamadeeda kala baxday Heglig South Sudan, halka Sudan ay sheegtay in ay qasab uga saartay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.