Labada Sudan oo heshiis gaaray

Sudan iyo South Sudan ayaa gaaray heshiisyo ku aadan amaanka xadka u dhaxeeya iyo wax soo saarka saliida taasi oo u ogolaaneysa saliida ay dhoofiso South Sudan in la dhex marsiiyo dalka Sudan.

Afhayeen u hadlay labada dhinac ayaa xaqiijiyey heshiiska dhex maray labada madaxweyne kuwaasi oo mudo afar maalin ah wada hadalo ku yeelanayey magaalada Addis Ababa.

hase yeeshee waxaa wali aanan la xalin arrimo badan oo ka dhex aloosan labadani dalk kuwaasi oo ay ku jiraan gobollo lagu muransanyahay kuwaasi oo labada dal qarka u saaray in ay dagaalamaan.

Kadib dahaal ku saabsanaa adeegyada saliida iyo muran xaga dhulka ah uu ka dhex dilaacay labada dal, ayey Qaramada Midoobay ku hanjabtay labada dhinac in ay saari doonto cunaqabateyn hadii aysan gaarin heshiis is fahan ah.

Midowga Africa oo dhex dhexaadiye ka ah arrintaan ayaanan wali wax war ah kasoo saarin heshiiska, laakin maanta ayaa lagu wadaa in madaxweyne Omar al-Bashir oo ka socdo Sudan iyo madaxweyne Salva Kiir-ka South Sudan in ay saxiixaan heshiiska.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here