Laba will walaalo ah oo lagu toogtay Suuqa Xoolaha

Waxaa shalay galinkii danbe suuqa xoolaha dil loogu geystay labo wiil oo walaalo ah,dilka labadan wiil ayaa waxa uu kadhacay boosteejada laga raaco gawaarida ee suuqa xoolaha.

Sida ay goobjoogayaal noo xaqiijiyeen waxaa dilka fuliyay laba nin oo kuhubeysan biskoolado,isla markaasna goobta isaga baxsaday.

Labadaan wiil ee ladilay ayaa waxaa lasheegay in mid kamid ah uu ahaa arday wax kabarta Jaamacada Simad,halka kan kalena uu goordhow kayimid Wadanka Sacuudiga.

Xilibaan Daahir Amiin Jiisoow oo kamid ah xilibanada Cusb ee baarlamanka qaraabana la ah wiilasha ladilay,oo lahadlayay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa waxa uu xaqiijiyay dilka labadaas wiil,xilibaanka ayaa doowlada kacodsaday ineey dabagal kusameeyaan dadkii dilkaas kadanbeeyay isla markaasna cadaalada lahorkeeno.

Waxaa beryahan magaalada Muqdisho kusoo badanayay dilalka qorsheesan ee loo geysto dadka indhaha u ah Bulshada,iyadoo doowladana aysan ilaa iyo hada waxbo kaqaban arintaas,balse ay ku koobanyihiin ilaalinta masuuliyiinta dowlada tiradana aysanba ugu jirin ilalinta dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here