Laba Wiil Oo Dhalinyaro Ayaa Maanta Lagu Dilay Muqdisho

Abaare duhurnimadii maanta ayaa kooxo ku hubeysan Biskoolado waxay dil toogasho ah u geysteen laba wiil oo dhalinyaro ah, dilkaan ayaa ka dhacay Xaafada Al-cadaala ee degmada Huriwaa.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyay in labada wiil ee la toogtay mid kamid ah uu katirsanaa ilaalada gudoomiyaha degmadaas, halka midka kalena uu kamid ahaa ciidanka doowlada hoose.

Sidoo kale qof goob jooge ahaa islamarkaasna diiday in magaciisa lasoo xigto ayaa sheegay in labadaan ruux markii latooganayay ay ku sugnaayeen boosteejada laga raaco baabuurta ee suuqa Huriwaa, mid kamid ah ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Madiina halkaas oo uu ku geeriyooday markii danbo.

Dhalinyarada maanta dilka loogu geystay degmada Huriwaa ayaa ka mid ahaa dadka deegaanka, dilalka nuucan oo kale ah ayaa maalmihii danbe dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho dhegehoodu ka raysteen,waxaana ka socda magaalada Muqdisho hawlgalo baaxad leh oo lagu adkeynayo amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Alshabaab oo sheegtay iney masuul ka ahaayeen weerarkii isqarxin  ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wacad ku maray iney sii kordhin doonaan dilalka ay u geysanayaa askarta dowlada Soomaaliya ,ciidamada taageeraya  iyo dadka gacan saarka laleh intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here