Laba ruux oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho

Laba ruux ayaa saacadihi lasoo dhaafay lagu kala dilay degmooyinka Wardhiigleey iyo Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Kooxo ku hubeesnaa bastoolado ayaa xalay ku toogtay degmada Xamar Jajab nin magaciisa lagu soo gaabiyey Kamal oo sida la sheegay ka tirsanaa ciidamada nabad sugida dowlada.

Ragi dilkaasi geystay ayaa goobta ka baxsada inkastoo ciidamada dowlada ay goobta dilku ka dhacay ay wax yar kadib gaareen.

Sidoo kale raga hubeysan ayaa xaafada Labadhagax ee degmada Wardhiigleey ku dilay wiil dhalinra ahaa.

Dilalkaasi ayaanan la ogeyn cida ka danbeysa, waxaana aad uga xun dadka deegaanka oo la yaaban halka ay ka socdaan dilalka.

Magaalada Muqdisho ayaa todobaadkan waxa ka dhacay dilal ay fuliyeen kooxo hubeysan, iyadoo maalin ka horna xaafada Taree Biyaano lagu dilay nin darawal ahaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.