Laba ruux oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Baydhabo

Rag hubeysan ayaa xalay ku toogtay gudaha magaalada Baydhabo nin rayid ahaa balse la shaqeynayey ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ee dhawaan qabsaday magaalada Baydhabo.

dad goob joog ah ayaa sheegay in ninkan ay meel fog kasoo toogteen kooxo hubeysan xilli uu la taagnaa ciidamo ka tirsan dowlada agagaarka halka loo yaqaano Afar Irdood-ka.

Dadka ku nool xaafada Suuqa Bardaale ayaa sheegay in marxuumka uu Labadaanyo dharka lagu dhaqo ku lahaa xaafadooda mudadi ay Al Shabaabka joogeen Baydhabo.

Dhanka kalana ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ayaa dilay nin watay hub iyo walxaha qarxa  kadib howlgal ay sameeyeen wax yar kadib marki uu dilka dhacay.

Xaalada Baydhabo ayaa saakay xasiloon kadib howlgaladi ay xalay ka sameeyeen ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ayaa dagaal la,aan kula wareegay Baydhabo Arbacadi lasoo dhaafay kadib sadex sano oo ay maamulayeen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.