Laba ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Wardhiigleey wiil si weyn loogaga yaqaanay xilli uu ku sugnaa meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala xaafada Geed Jaceyl.

Wiilkan oo lagu magacaabo Maxamed Khaliif waxa dhowr xabadood madaxa kala helay laba nin oo wajiyada soo duubtay kuwaasi oo goobta orod uga baxsaday marki ay dileen.

Ma jirin ciidan yimid, hase yeeshee saakay ayaa waxaa xaafada Geed Jaceyl baaritaano ka wada ciidamada dowlada.

Dhanka kalana askari ka tirsan ciidanka dowlada ayaa nin rayid ah ku toogtay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kadib marki ay murmeen.

Dilalka loo geysanayo rayidka ah ayaa wali shaac ka ah magaalada Muqdisho, inkastoo ay yaraadeen dilalka ay ciidanka dowlada geystaan sidi loo helay maxkamada ciidanka qalabka sida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.