Laba qof oo xalay lagu dilay isgoyska Baar ubax

Waxaa xalay fiidkii isgoyska Baar-ubax lagu dilay laba qof oo shacab ahaa,dilka labadan qof ayaa sida lasheegay waxaa fuliyay rag ku hubeysan biskoolado.

Labadaan qof ee ladilay ayaa waxay ahaayeen laba wiil oo dhalinyaro ah,lamana oga ilaa iyo hadda sababaha keenay dilkooda,iyadoo raggii dilayna ay goobta isaga baxsadeen.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan caadi kanoqday dilalka shirqoolka ah kuwaasoo badanaa lala bartilmaameedsado dadka wax galka u ah bulshada waxaana ugu danbeeyay dil maalmo kahor suuqa xoolaha loogu gaystay laba wiil oo walaalo ahaa halka mid kamid ahna uu ahaa arday waxkabarta jaamacada Simad.

Majirto ilaa iyo hada dad loosoo qabqabtay dilalka kadhaca magaalada Muqdisho isla markaasna maxkamad loosoo taagay,iyadoo musuqmaasuq uu hareeyay hay’adaha amaanka ee doowlada KMG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here