Laba nin oo xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid

Rag hubeysan ayaa xalay ku dilay laba wiil oo dhalinyara ah ku toogtay xaafada Toowfiiq degmada Yaaqshiis ee magaalada Muqdisho.

Dilka oo dhacay fiidnimadi ayaa waxa geystay rag ku hubeesnaa bistoolado kuwaasi oo rasaas ooda uga qaaday dhalinyarada oo fadhiday goob ka tirsan Toowfiiq.

Dad yaqaana dhalinyarada la dilay ayaa sheegaya in ay awal ka tirsanaan jireen Al Shabaab balse ay maalmihi lasoo dhaafay la shaqeynayeen laamaha amaanka ee dowlada KMG Soomaaliya.

Kooxihi dilay ayaa goobta isaga baxday, waxaana dilkan uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee ka dhaca xaafada Toowfiiq tan iyo marki ay dowlada qabsadaty.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.