Laba nin oo siyaabo kala duwan loogu dilay Suuqa Bakaaraha

Rag hubeysan ayaa maanta ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho laba nin oo uu ku jiro qof u shaqeynayey shirkada Hormuud.

Sida wararku sheegayaan rag watay bistoolado iyo qoryaha AK-47 ayaa dilay sarkaal ka tirsanaa qeybta amaanka ee Shirkada Hormuud kaasi oo sida la sheegay laga qaatay lacago dhan 40 kun oo doolar.

Dableyda dishay ayaa la sheegayaa in ay markiiba baxsadeen iyadoo lagu dilay meel aanan ka fogeyn shirkada Hormuud, iyadoo warar kale ay sheegayaan in uuba ahaa ku xigeenka qeybta amaanka ee shirkada.

Sidooo kale, nin loo maleynayo inuu ahaa sarkaal ka tirsan nabadsugida ayaa lagu dilay qeybta sarrif yaraha ee Suuqa Bakaaro kaasi oo kooxihi dilayna ka qaateen bistoolad uu ku hubeesnaa.

Dilka ayaa muujinaya in amaanka Suuqa Bakaaraha uu faraha kasii baxayo xilli ciidamada dowlada qeybaheeda kala duwana ku suganyihiin suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here