Laacibki hore ee Talyaaniga Doni oo la xiray

Wargeyska Corriere dello Sport ayaa xaqiijiyey in la xiray laacibki hore ee xulka qaranka Talyaaniga Cristiano Doni kadib marki uu ku lug yeeshay is daba marin lagu sameeyey ciyaaraha horyaalka.

Doni oo ah kabtanka kooxda Atalanta ayaa waxaa xiray booliska Talyaaniga isaga iyo 16 ruux oo iyana lagu eedeeyey musuq maasuqa kubada cakta dalkaasi.

Howlgalkaasi oo ay ciidamada ugu magac dareen  ‘Howlgalki ugu danbeeyey’ ayaa horay loogu soo xiray laacibki hore ee isna dalka Talyaaniga Giuseppe Signori bishi June, waxaana hada la filayaa in cyaartooy kale la xiro.

Doni horay ayaa loogaga mamnuucay kubada cakta mudo sadex sano iyo badh ah, waxaana uu ku biirayaa ciyaartooy caan ka aheyd dalka Talyaaniga oo hada u xiran kiiskaan kuwaasi oo ay ka mid yihiin daafaci hore ee Inter Luigi Sartor, Alessandro Zamperini, Andrea Gervasoni iyo Filippo Carobbio.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.