Laacibki hore ee dalka Nigeria Rashidi Yekini oo xijaabtay

Laacibki hore ee xulka qaranka Nigeria Rashidi Yekini ayaa ku geeriyooday magaalada Ibadan kadib marki uu la jiifay labadi sano ee lasoo dhaafay xanuun xaga maskaxda ah.

Xidigan hore oo ahaa 48 sano jir ayaa heystay rikoorka gool dhalinta xulka Nigeria isaga oo dhaliyey 37 58 kulan oo uu u saftay kooxda qaranka ee Gorgorada Sare.

Yekini waxaa lagu xasuustaa dabaal dagi la yaabka lahaa ee uu sameeyey goolki ugu horeeyey ee Nigeria abid ka dhaliyaan koobka aduunka sanadki 1994-ki markaasi oo ka dhaliyey dalka Bulgaria ciyaarihi aduunka ee lagu qabtay dalka Mareykanka.

Xirafadiisa ciyaareed waxa uu kasoo bilaabay kooxda UNTL Kaduna sanadki 1981, kadib waxa uu uga sii gudbay halka uu kasoo jeedo ee Africa oo uu ku qarash gareeyey sagaal sanadood, kadib Yakini waxa uu afar sano oo guuleystay la qaatay klooxda Vitoria Setubal ee dalka Portugal.

Kadib waxa uu kasoo kala ciyaaray dalalka Greece, Spain, Switzerland iyo Saudi Arabia, waxaana uu ciyaaraha ka wada fariistay sanadki 2003 isaga oo kusoo qatimay kooxda Julius Berger ee dalka Nigeria.

Meydkiisa ayaa loo qaadi doonaa  Offa oo lagu aasi doono halkaas oo ah deegaanka uu kasoo jeedo.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.