Laacibki hore ee Chelsea Jeffrey Ntuka oo la dilay

Daafaci hore ee kooxda Chelsea Jeffrey Ntuka ayaa lagu dilay dalka South Africa kadib marki lagu dooxay middi.

Dooxitaanka laacibkaan ayaa ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taala magalada Kroonstad ee gobolka Free State aroorti hore ee saakay.

Marxuumka ayaa kasoo ciyaaray garoonka Stamford Bridge isaga oo dhalinyara ah ka hor inta uusan ku laaban dalkiisa South Africa si uu ugu ciyaaro kooxda Kaizer Chiefs iyo kooxda kale ee  SuperSport United.
26 jirkana saakay geeriyooday waxa uu u saftay xulka qaranka shan kulan oo caalami ah.

Ntuka ayaa lix bilood ku qarash gareeyey Chelsea sanadki 2003 laakin marki danbe waxaa amaah lagu siiyey Westerlo ee dalka Belgium.