Laacibki dalka Turkiga Nihat Kahveci oo ka fariistay ciyaaraha

Laacibki hore ee dalka Turkiga Nihat Kahveci ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay guud ahaan ciyaaraha kubada cakta isaga oo wali awooda inuu riixo kubada.

23-jirkaan ayaa ahaa koox la,aan tan iyo marki uu  ka dhamaaday heshiiski uu kula jiray kooxda Besiktas bishii May, taasi waxay ka danbeysay marki uu ku dhacay inuu hal gool dhalyo 17 kulan oo uu saftay.

Nihat ayaa marki ugu horeysay uu ku biiray kooxda Besiktas sanadki 1997, waxa laakin kulankiisi ugu horeeyey uu u saftay sanadki 2002, markaasi oo uu wareegay Real Sociedad.

Xilli ciyaareedki 2002/2003 wuxuu ahaa xiligiisi ugu fiicnaa ee horyaalka Spain kadib marki uu gool dhalinta la qaaday laacibki hore ee Real Madrid Ronaldo, sidoo kale waxa uu afka hore kula lamaanaa oo ay is fahmeen Darko Kovacevic.

Nihat sidoo kale wuxuu usoo ciyaaray kooxda Villarreal inti u dhaxeysay 2006 iyo 2009 kahor inta uusan ku laaban Besiktas, laakin kuma raaxeysan waxaana uu ku qaatay markaan waayo aan fiiceyn iyadoo la xusuusto dagaal uu la galay laacibki hore ee kooxdaasi Ricardo Quaresma.

Xulka Qaranka Turkiga wuxuu u ciyaaray 69 kulan, isaga oo ka caawiyey dalkiisa in ay kaalinta sadexaad ka galaan koobki aduunka ee sanadki 2002 ee lagu qabtay dalalka South Korea and Japan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.