Laacibka Pele oo Cusbitaalka laga Saaray Dalka Australia (SABABTA AKHRI)

Laacibkii hore ee Dalka Brazil Pele ayaa xanuun awgeed loola cararay Maalintii Arbacada ahayd xilli uu safar ku joogo Dalka Australia.

Xanuunka haya Pele ayaa la sheegay in ay tahay Calool Xanuun iyo dhagax kilyaha kaga jira waxaana la dhigay cusbitaalka la yiraahdo Albert Einstein hospital.

PELÉ RECEBE ALTA.

Qof ka mid ah dadka Eheladiisa ah ayaa sheegay in Sabtidii shalay saacadu markii ay ahayd Xilliga Dalka Australia 10:oo Subaxnimo laga saaray cusbitaalkii markii xaaladiisa ay kasoo wanaagsanaatay sidii hore,waxaana sidaasi lagu cadeeyey warsaxaafadeed kasoo baxay Waaxda Caafimaadka dalka Brazil.

74 sano jirkaasi Pele ayaa kamid ahaa Laacibiinta ugu wanaagsanaa ee Kubada Cagta soo maray waxaana ay isku wakhti ahaayeen Mucjisadii Kubada Cagta ee reer argentina Diego Maradona halka Pele uu diiq ka ahaa Dalka Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here