Kuuriyada Waqooyi oo Gantaaladeeda dagaalka kusii jeedisay Bartilmaameedyada Mreeykanka

Waqooyiga Kuuriya, ayaa Mareeykanka ugu goodisay ineey garaaci doonto saldhigyada milatari ee uu kuleeyahay wadamada, Koofurta Kuuuriya iyo Jaban, arintaan ayaa ka danbeysay dhoola tus ay maraakiibta dagaalka Mareeykanka iyo koofurta Kuuriya, ka sameeyeen badda Baasifiga.

“Isla saacadaan la joogo, hogaanka sare milatariga Kacaanka waqooyiga Kuuriya waxay u diyaar garoobeen dagaal ay lagalaan Cadowga, iyagoo madaafiicda ridada dheer iyo kuwa kaleba kusii jeediyay bartilmaamedyada Cadawga uu ku leeyahay, gobolka” sidaa waxaa lagu yiri warbixin ay maanta daabacday wakaalada wararka eek u hadasha afka doowlada Waqooyiga Kuuriya.

Inkastoo waqooyiga Kuuriya ay horay ugu goodisay iney weerar Nuclear kuq aadi doonto wadamada Mareeykanka iyo Koofurta Kuuriya, ayaa quburada ku xeelka dheer arimaha milatariga waxay aaminsanyihiin in W/kuuriya aysan awood u laheen ineey kadhabayso hanjabaadeeda.

Handadaada W/kuuriya ayaa kusoo aadeysa maalin kadib markii Mareeykanka iyo K/kuuriya ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhanka milatariga ah, kaasoo ay ugu magac dareen “Kahortaga hanadadaada Biyom Yaang”.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here