Kuufisiga dumarka iyo Isbaarooyinkii oo dib u bilaawday

Ciidamo katirsan kuwa doowlada Soomaaliya ayaa shalay fal kufsi ah waxay ay ka gaysteen dagmada Afgooye ee Shabeellada Hoose, waxaa kufsigaas loo gaystay 3 kamid ah gabdhaha ku nool degmadaas.

Arintaan ayaa waxaa si kulul ugu hadlay Xilibaano katirsan baarlamanka Soomaaliya, Xilibaanadaan oo lahadlayay qaar kamid ah warbaahinta ayaa waxay ku baaqeen in Maxkamad lasoo hortaago ragii ka danbeeyay falkaas.

Xilibaan Sooyaal Cabdi Warsame, oo kamid ah mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya oo ka hadlay arimahaas ayaa waxa uu yiri: “arimahaan ka dhacay magaalada Afgooye, waa arin aad ufool xun, waana fal ay gaysteen Ciidamada, arimahaan Kufsiga, dhaca iyo dilka kusoo laa laabanayo Afgooye ee aan meelaha kale kadhicin waa arin xasaasiyadeeda leh” ayuu yiri Xilibaan Sooyaal.

Go’aankii madaxweynaha halkuu ku danbeeyay?.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa horay amar uga soo saaray Isbaarooyinka yaal goobaha ay doowlada maamusho iyo Kufsiga ay Ciidamada doowlada ugaystaan dumarka.

Madaxweynaha, ayaa Amray in Askarigii Kufsi ugaysta gabar Soomaaliyeed latoogan doono oo sharciga lamarsiin doono.

Rag katirsan Ciidamada doowlada Soomaaliya ayaa dhowr mar waxay Kufsi u gaysteen Hooyooyin iyo Gabdho Soomaaliyeed, waxaana meelaha ugu badan ee dumarka lagu kufsado ay tahay Shabeellada Hoose iyo magaalada Muqdisho.

Isbaarooyinkii oo dib loo soo celiyay:

Waxaa markale dib loo soo celiyay qaar badan oo kamid ah Isbaarooyinkii horay loo qaaday kadib amarkii madaxweynaha, meelaha sida rasmiga ah hada isbaarooyinkaas loo soo dhigtay waxaa kamid ah degmooyinka Dharkeenleey iyo Wadajir.

Labadaan degmo ayaa hada waxaa lasoo dhigay dhamaan Isbaarooyinkii sharci darada ahaa oo lacagaha looga qaadi jiray gaadiidka dadweynaha, waxayna gaarayaan ilaa 10 Isbaaro.

Hadaba labadaan arin ayaa waxay muujineeysa in amarkii madaxweynaha uusan shaqayn oo uu ahaa hadal layska yiri uun mar hadaan si rasmi ah loo hirgalin, dib usoo celinta Isbaarooyinkaan ayaa dadka qaar waxay ku micneeyeen in doowlada aysan qorsho usamayn maleeshiyadii isbaarooyinkaas utiil, sidoo kale majirin wax mushaar ah oo doowlada siisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here