Kumanaan taageerayaal ah oo London kula damaashaaday Chelsea

Tobnaan kun oo taageerayaasha Chelsea ah ayaa maanta si qiira leh ugu dabaal dagay wadooyinka London kadib marki ay xalay kooxdooda ku guuleysatay koobka Champions League.

Laba bas oo ah kuwa kor ka furan ayey iska soo buuxiyeen xidigaha Chelsea iyaga oo kor u haya koobka, waxaana ay salaamayeen taageerayaasha oo labisnaa dharka buluuga ah ee Chelsea.

Taageerayaasha ayaa heesayey, qaar waxay yeerinayeen hoonka baabuurta halka kuwo kalana ay ku qeylinayeen magaca Chelsea iyaga oo si saf ah isugu tixay laga soo bilaabo garoonkooda Stamford Bridge, wadada Fulham Road, Hortensia Road, King’s Road iyo New King’s Road, ugu danbeyntiina waxay isugu aruureen Eel Brook Common.

Chelsea waxay noqotay kooxdi ugu horeysay oo ka socota London oo qaada koobkaan Horyaalada Yurub.

Xalay ayey rigoorayaal 4-3 ah uga badisay Bayern Munich kadib marki ay isku mari waayeen 1-1.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.