Kumanaan ka qeybgashay aaska wasiiru daaqiliyihii Kenya

Kumanaan ruux oo murugeysan ayaa ka qeybgashay wasiiru daaqiliyihi hore ee dalka Kenya oo todobaadki hore ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay duleedka magaalada Nairobi.

George Saitoti, oo ahaa siyaasi rugcadaa ah isla markaana lagu waday inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee sanadka soo aadan ka dhici doonto Kenya ayaa la aasay shalay gelinki danbe isaga iyo afar kale oo uu ku jiray ku xigeenkiisii.

Ninkani oo ahaa aqoonyahan kusoo wax bartay dalka Mareykanka isla markaana ahaa Profisor xaga dhaqaalaha iyo xisaabta ayaa door muhiim ah kasoo ciyaaray siyaasada dalka Kenya.

Waxa uu sidoo kale door aan caadi aheyn kulahaa dagaalka ay Kanka ka wado Soomaaliya ee ay uga soo horjeedo xarakada Al Shabaab.

Dowlada Kenya waxa ay haatan bilowday baaritaan madax banaan oo ay ku sameyneyso cidi ka danbeysay dilka wasiirka.