Kulliyadda Caafimaadka iyo Culuumta Sixada ee Jaamacadda SIMAD

Dhagax dhigg kuliyad cusub oo lagu soo daray SIMAD
Dhagax dhigg kuliyad cusub oo lagu soo daray SIMAD

Maamulka Jaamacadda SIMAD ayaa maanta sheegay in  dhawaan la furli doono Kulliyadda Caafimaadka iyo Culuumta Sixada.

Dhagax dhiga kuliyadaas oo ah qayb cusub waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay wasiirka hidaha iyo Tacliinta sare Mudane Ducaale iyo madaxa mashaariicda Waakaladda Muslimiinta Afrika Mohamed Sh Bashiir.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Cabdiraxmaan Odawaa ayaa shegay in kuliyadan ay noqon doonto mid wax badan uga faa’ida ardayda Soomaaliyeed ee doonaya in wax ka bartaan kuliyadan cusub.

Jaamacadda SIMAD ayaa ka mid jaamacadaha ugu waaweyn uguna horreeya dhinaca waxbarashada dalka Soomaaliya.

Waxaa wax ka dhigta arday aad u faradan.

Ra’yigaaga ka soo dhiibo kuliyada cusub ee lagu kordhiyay Jaamacadda SIMAD?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here