Kullankii El Clasica-da Gobolada oo kusoo dhamaaday bar-baro

13776032_1246648412054162_4613362061605165859_nKulanka wuxuu ahaa mid dhan walba ka dhameystiran, waxaana Goolka la hormaray Puntland oo qeybtii hore ciyaarta gool kaga naxsatay dhigeeda Banaadir, taasoo keentay in goolkaas lagu maro qeybta hore ciyaarta.

Balse markii la isku soo laabtay Banaadir ayaa heshay gool barbardhac ah taasoo soo celisay rajadii ay ka lahaayeen ciyaarta, mar kale ayeyse wiilasha Puntland oo kulanka aad u xamaasadeeyay ay heleen goolkii labaad ee ciyaarta, inkastoo daqiiqado yar kadib laga keenay goolka.

Natiijada ciyaarta waxey kusoo dhamaatay 2-2, taasoo ka dhigan in labada kooxood ay groupka A kaga soo baxeen min 4-dhibcood, sidoo kalana waxaa kaalinta 1-aad kusoo baxay Banaadir madama farqiga goolasha ay ku sareyso, halka Puntland ay kusoo baxday booska 2-aad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here