Kullanki Madaxweynaha & Odoyaasha Hiiraan oo buuq kusoo dhamaaday

Madaxweyne Xasan oo Beledweyne Tagey
Madaxweyne Xasan oo Beledweyne Tagey

War hada soo dhacay ayaa sheegaya in ay ka dhex tafatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud iyo Odayaasha reer Hiiraan.

Sida wararka aan ku heleyno Madaxweynaha ayaa Odayasha dhaqanka ka dalbaday in beel beel uu ula kulmo , iyadoona Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu u sheegay madaxweynaha in reer Hiiraan ay isku duuban yihiin si guudna uu ugala hadlo maslaxadooda taas oo dhammaan Odayaasha ay ku raaceen.

Intaas kadib ayaa la sheegay in dhammaan Odayaasha ay isaga soo dareereen Madasha ay kula kulmayeen Madaxweynaha iyadoona laga daba diray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed si uu gogosha ugu soo celiyo Odayaasha.

Hayeeshee Odayaasha ayuu la sheegay in Guddoomiyaha isna ay ku gacan seereen la kulank Madaxweynaha iyaguu u sheegay dabageed in isaga iyo Madaxweynuhuba ay isku mid u yihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here