Kullamo ka socda Villa-Somalia & Jawaari iyo Xasan Sh oo loo kala gar qaadayo

mohamud-president-1068x668_FotorKullamo xasaasi ah ayaa hada kasocda Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana warar hoose oo ay Midnimo.com heshay ay sheegayaan in kullankan diirada lagu saarayo sidii laysugu soo dhaweyn lahaa Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Jawaari, ayaa is qabtay furitaankii shirka Madasha ee isbuucii hore ka furmay magaalada Muqdisho, waxeeyna ka dhex tafatay markii uu Jawaari sheegay in marka la gaaro 10-ka september uu xilka Madaxweynaha Soomaaliya si KMG ah u qaban doono isaga, taasoo uu si aad ah uga soo horjeestay Madaxweyne Xasan Shiikh.

Isku soo dhaweynta Xasan iyo Jawaari, ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya kaadiriinta Damujadiid iyo madax katirsan labada gole ee Doowlada.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa walwal xoogan ka qaba in Jawaari uu doonta la gadiyo asigoo adeegsanaya Xilibaanada uu wakhtiga kasii dhamaanayo, taasoo caqabad ku noqon karta ololihiisa doorashada iyo hamiga uu ka qabo in mar labaad loo doorto madaxweynaha Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here