Kulbiyow: Maxaa kusoo kordhay weerarkii J/Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada ku dagaalamay deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna dagaalka qasbay in ciidamada Al-shabaab saacado la wareegay xarumaha lagu dagaalamay.

Al-shabaab waxay sheegeen in ku dhawaad 11 askari ay ku dileen weerarka ka dhacay Kulbiyow, kuwaasi oo isugu jiro Soomaali iyo Kenyan, waxaana ay sheegeen inay saacado maamulayeen saldhiga ciidamada Kenya ee deegaankaasi ku yaala.

Xaalada deegaanka ayaa caadi kusoo laabatay, waxaana ku sugan ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya, maadaama saaka Al-shabaab ay isaga baxeen saldhiga ciidanka.

27 Janaayo ee sanadkaan Al-shabaab ayaa weerar kan ka xoogan ka geystay deegaanka Kulbiyow, waxaana ay sheegeen inay ku dileen 67 askari oo Kenyan ah.

Dhanka Kenya, waxay saraakiishooda sheegeen in deegaanka ay iska caabin kala kulmeen Al-shabaab.

Weerarkii Kulbiyow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here