Kulankii maanta lagu waday inay yeeshaan xildhibaanada oo baaqday kadib markii la waayay kooramkii loo baahnaa.

Kulan maanta lagu waday inay yeeshaan xildhibaanada ku kacsan guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan SHiikh Aadan ayaa baaqday kadib markii la waayay tiradii loo baahnaa inay soo xaadiraan oo la waayay.

In ku dhow saddex boqol oo xildhibaan oo hore 13kii bishan kulan ay ku yeesheen xarunta baarlamaanka ayaa sheegay inay ka qaadeen xilkii guddoomiyanimada ee shariif Xasan Shiikh Aadan.

Hase yeeshee kulankii maanta oo ahayd in mar kale xilka loogaga qaado guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka ayaa dhicisoobay kadib markii in kayar boqol xildhibaan ay soo xaadireen.

Illaa iyo hadda lama oga sababta dhabta ah ee keentay in ay kooxda kacdoonka waday ay ku guuldareystaan inay sii wadaan qorshahooda hase yeeshee dhowaan ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada horboodayay kooxdan waxa ay la kulmeen madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

Hase yeeshee xildhibaanadii maanta tegey xarunta baarlamaanka ayaa waxa ay sheegeen in sababta ay u baaqdeen xildhibaanada inay tahay iyadoo waqtiga la isugu yeeray uu ahaa mid kooban ooxildhibaanada badankood ay ku mashquulsanaayeen dano gaar ah, balse dhowaan mar kale isugu iman doonaan kulan kale.

Warar kale ayaa sheegaya in xildhibaanada badankood ay u baaqdeen kadib markii ay ka baqeen in isku dhac iyo gacan ka hadal mar kale uu dhex mari karo mudanayaasha ku jira baarlamaanka.

Dhowaan ayaa gudoomiyaha baarlamaanka shariif Xasan Shiikh Aadan markii uu soo dhamaaday shirkii Garowe waxa uu sheegay inmudane kasta oo ka tirsan baarlamaanka loo baahan yahay in uu ku noqdo beeshiisa ogolaanshana uu kala yimaad.

Shirkii lagu qabtay ayaa la isku raacay in la dhimo tirade xubnaha baarlamaanka oo hadda ka badan shan boqol laguna soo koobo 225xubnood.

Kulanka maanta ee baaqday ayaa waxaa uu neef weynka soo fujiyey guddoomiyaha baarlamaanka oo cabsi ka qabay in ninkii ku xigey ee taageersanaa ay isagana xilkiisa uu muran galo.