Sadaxda masuul ee ugu sareysa dalka oo lagu wado in saacadaha soo aadan ay gaaraan Nairobi

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda magaalada Nairobi ay gaaraan saddexda masuul ee DKMG Soomaaliya hogaamisa ee kala ah Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Raysul wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Shariif Xasan, waxaana berito safaarada Mareykanka ee Nairobi ka dhacaya kulan xasaasi ah.

Kulankan oo dhacaya berito [Jimce] gelinka hore ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa marxalada cusub ee dalku galayo gaar ahaan doorashada madaxtinimo ee la filayo inay dhacdo 20-ka Agoosto oo labo toddobaad naga xigaan. Waxaana la filayaa in Hillary Clinton ay diirada saarto dhowr waxyaabood oo ku jira doorashada.

Warar ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxda DKMG Soomaalidu ka cabsi qabaan in Mareykanka ay ku taliyaan in saddexda masuul [Labada Shariif iyo Gaas] ay doorashada ka haraan taasoo sabab looga dhigayo eedeynta musuqmaasuq ee saddexda nin iyo rag kaleba loo soo jeediyey taasoo Mareykanka iyo Ingiriiska u ololeynayaan in baaritaan lagu sameeyo.

Waxaase jira aragti kale oo sheegaysa inay dhici karto in xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ay soo jeediso in doorashada ay noqoto mid hufan oo aysan noqon mid saddexda nin jeebka ugu jirta sida ay haddaba ka walaacsan yihiin musharixiin fara badan oo sheegaya in illaa hadda guddi doorasho aanu jirin, wax diiwaangelin ahna aan loo sameyn musharixiinta rabta inay u ordaan madaxtinimada dalka.

Warar ku dhow safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa waxay sheegayaan in Clinton ay cadeyn doonto mowqifka Mareykanka uu ka joogo labada gole baarlamaanka ee lagu xusay qariirada tubta “roadmap” ee ay saxiixeen lixda nin ee saxiixayaasha ah, taasoo xukuumadda Washington oo deeq bixiyaasha ugu horeysa ay ka qeylisay.

Mareykanka ayaa qaba inaan dhaqale loo heyn labo aqal baarlamaan oo Soomaaliya yeelato hase yeeshee loo baahan yahay kaliya hal aqal oo ka kooban “275″ xildhibaan in la sameeyo iyo dawlad leh madaxweyne iyo gole xukuumad, waxaana la filayaa in mowqifkaasi Clinton u sheegi doonto saddexda sarkaal ee ugu sareeya DKMG Soomaaliya.

Qodobada kale ee ku jira ajendaha kulanka Clinton la yeelaneyso labada Shariif iyo C/weli Gaas Jimcaha waxaa ka mid ah in mudanayaasha cusub ee baarlamaanka laga rabo inaysan noqon kuwo ay keensadeen madaxda sare iyo siyaasiyiinta balse ay noqdaan kuwo metela beelaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here