Kulankii golaha wasiirada ee maanta oo lagu ansixiyay gudi daba gala Ajaanibta ku sugan wadanka

Golaha wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankaan shir gudoominayay Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kulankaan ayaa looga hadlay mirihii kasoo baxay shirka London, hay’ada maareynta masiibooyinka shaqaalaha Ajnabiga ah ee dalka uga shaqeeya sida sharci darada ah, iyo qaxootiga ku sugan dalka Yeman.

Ugu horeynta Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyay shirkii London ka dhacay, waxaana uu sheegay in shirkaasi ay kasoo baxeen guulo waaweyn hogaankiisana ay iska lahayd doowlada Soomaaliyaaaaa.

“Shirka London waxaa uu ahaa mid taariikhi ah, dawladda Soomaaliya ayaa diyaarisay qodobada looga hadlayey soona bandhigtay sida ay u kala mudan yihiin baahideedu. Waxaa nasiib wanaag ahayd in Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo hada ah gudoomiyaha wadamadda laysku yiraahdo G8 uu la shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in natiijadii ka soo baxday Shirka London dib loogu soo celinayo golaha Xukuumadda.

Sidoo kale Goluhu waxaa uu ka dooday Shaqaalaha ajanabiga ah oo wadanka ku sugan, kuwaas oo si sharci daro ah dalka ugu shaqeeya, iyagoona ku dhex milmay shaqaalaha AU/AMISOM. Shaqaalahaas waxaa ay gaarayaan 924 mana haystaan wax sharciyad ah, hadii ay ahaan lahayd mid ganacsi oo ay bixisay Wasaaradda Ganacsiga iyo iy mid shaqaalanimo oo ay bixisay wasaarada Arimha gudaha laanteeda soocdaalka. Sidaas daraadeed goluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo gudi afar wasiir ah si ay u soo baaraan una soo gudbiyaan warbixin ku saabsan sidii dadkaas laga yeeli lahaa sharci darada uga shaqeeya dalka.

Sidoo kale goluhu wuxuu dood dheer ka yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yeman, kuwaas oo isugu jira qaxooti ka diwaan gashan hay’ada UNHCR, iyo dad ku dhibaataysan dalka gudihiisa, goluhu wuxuu isku raacay in la magacaabo gudi ka kooban afar wasiir iyo xeeldheerayaal aqoona u leh dalka Yeman oo ka soo tala bixiya sidii dadkaas qaxootinimada aan ku joogin dalka Yeman dalka dib loogu soo celin lahaa iyo in la furo santuuq sadaqo ah oo ay dawladdu lacagta ugu horaysa ku shubayso dadka Soomaalyeedna ay ka qayb qaadan karaan si dadka raba inay dalkooda ku soo noqdaan loogu caawiyo.

Ugu danbayntii, goluhu wuxuu warbixin ku saabsan war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii looga hadlayey cadaalada ee la qabtay bishii Maarso, ka dhagaystay wasiirka Caddaaladda, waxaana goluhu iska raacay in la dhaqan galiyo 19 qodob ee ka soo baxay shirkaas.

DHAMAAD

Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Moqdishu, Somalia

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here