Kulankii Baarlamaanka oo Muran iyo Buuq Kusoo Dhamaaday

Kulankii ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa kusoo dhamaday buuq iyo natiijo la’aan.

Waxaa la dhaariyey 16-kamid ah mudanayaasha oo aan horay loo dhaarin waxaana buuqa keenay 4-kamid ah xubnahii maxkamadu go’aamisay kuwaasi oo horay boosaskoodii loo buuxiyey.

Afarta xubnood ee uu buuqu ka dhashay ayaa waxay kamid yihiin xubnahii ay guddiga farsamadu u diideen balse ay maxkamadda sare kusoo dartay.

Hoolka uu ka socday kulanka Baarlamaanka ee Iskool Buluusiya ayaa waxaa iminka taagan buuq iyo sawaxan, waxaana hakad galay kulankii Baarlamaanka oo buuqa ka hor si habsami ah u socday.

Waa kulankii ugu horeeyey ay yeeshaan Baarlamaanka Soomaaliya ee aan KMG ahayn waxaana hareeyey buuq iyo sawaxan taasi waxaa aad na naxay dadka Soomaaliyeed ee isbedelka iyo Dowladda cusub sugaayey.

Siakastaba kulanka ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo sawaxan lamana sida laga yeeli doono arrintaan iyo wakhtiga uu kulan kale isugu soo laaban doono Baarlamaanku.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here