Kulankii Baarlamaanka oo Furmay iyo Wariyayaasha oo loo Diiday inay Goob Joog ka Ahaadaan Shirka

Waxaa hada Golaha Shacabka ka bilowday kalfadhigii Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo looga doodayo ansixinta Miisaaniyada.

Kulanka marki uu bilaaban rabay ayaa Wariyayaasha loo sheegay inay faarujiyaan Hoolka uu shirka ka socdo, waxaana gabi ahaanba loo diiday inay goob joog ka ahaadaan shirka baarlamaanka.

Wariyayaasha banaanka loo soo saaray oo aan la hadalnay daqiiqado ka hor ayaa inoo xaqiijiyay in laga soo saaray hoolka uu shirka ka socdo, iyagoo sheegay inaysan garaneynin sababta ay taasi u dhacday.

Sida warar hoose ay sheegayaan xildhibaanada ayaa codsaday in wariyayaasha laga saaro gudaha hoolka uu ka socdo shirka.

Kalfadhigii Baarlamaanka ee shalay ayaa ku soo dhamaaday buuq iyo fara isku taag taag, waxaana baarlamaanka maanta looga fadhiyaa inay ansixiyaan miisaaniyada Dowlada 2013-ka.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here