Kulanka adag ee kooxaha Juventus – Udinese

Kulanka caawa dhex mari doona kooxaha Juventus iyo Udinese ayaa ah kan ugu qatarsan todobaadkaan horyaalka Seria A.

Kooxda Marwada Duqda ah ‘Old Lady’ ayaa ka walaacsan xidigaheeda kala ah Claudio Marchisio iyo Simone Pepe oo laga shakisanyahay in ay ciyaari doonaan sababo la xiriira dhaawacyo soo gaaray kulanki ay todobaadki hore 2-0 uga badisay kooxda Atalanta.

Laakin hogaamiyasha horyaalka waxa farxad gelinaya soo laabashada ciyaaryahanada kala ah Fabio Quagliarella iyo Alex Manninger, kuwaasi oo maalmahan ku maqnaa dhaawacyo, waxay qeyb ka ahaayeen kooxdi Salaasadi hore ku garaacday tartanka Coppa Italia naadiga Roma.

Dhanka kooxda uu leyliyo macalin Francesco Guidolin iyaga ayaa marti ah waxaana ay magaalada Turin kula kulmi doontaa Juve iyada oo uu maqanyahay xidigaheeda qadka dhexe Kwadwo Asamoah iyo Emmanuel Agyemang-Badu kuwaasi oo ku maqan koobka Qaramada Africa gaar ahaan xulka Ghana oo ay u cayaaraan, waxaa sidoo kale ka jira koobka Africa daafac qabiirka ah Mehdi Benatia oo u dhashay dalka Morocco.

Hadaba ciyaartooyda u kala safan doonto ayaa noqon doono:

JUVENTUS: Buffon, Lichtsteiner, Barzagli, Bonucci, Chiellini, Vidal, Pirlo, Marrone, Giaccherini, Matri, Vucinic.

UDINESE:  Handanovic, Ferronetti, Danilo, Domizzi, Basta, Isla, Pinzi, Fernandes, Armero, Floro Flores, Di Natale.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.