Kulan Xasaasi ah oo Si Toos ah Uga Socda Garoonka Diyaarada Muqdisho

Shir ayaa kasoconaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaa oo u dhaxeeya Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Agoustine Mahiga iyo Xubnaha Gudiga Farsamada ee loo xilsaaray soo Gudbinta Xubnaha kamnid noqonaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Shirka oo ah mid Xasaasi ah ayaa diirada lagu saarayaa sida loo xalin lahaa Xubnaha aan wali laga aqbalin in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa ay horey usoo celiyeen Gudiga Farsamada ee sii gudbinaya xubnaha kamidka noqonaya Baarlamaanka.

Mahiga ayana gudiga ku qancinaya in ay fududeeyaan Culeeska ku aadan xubnaha ay celiyeen loona baahanayahay in aan la siyaasadeen raga la soo celiyay Gudigana laga rabo in Culeeska yareeyaan oo Xubnahaasi loo ogolaado in ay Baarlamaanka galaan.

Sikastaba Kulanka ayaa ah mid daba socdo kulamo maalmahan ay yeelanayeen Mahiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudiga Farsamada kaa oo looga hadalayay sidii Culeeska looga qaadi lahaa Xubnahaasi.

Wixii Kulankaas ku soo kordha kala socodo Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here