Kulan xasaasi ah oo Golaha Wasiirada maanta Muqdisho ku yeesheen

Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali, waxaana looga hadlay arimaha amniga, warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, warbixin Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, iyo barnaamijka ka Guurista Guryaha Dowladda.

Ugu horreyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyey safar uu ku tegeyTalyaaniga, Kenya iyo Djibouti oo uu sheegay in Talyaaniga si qurux badan u soodhoweeyeen wafdigii uu hoggaaminayey safarkiina uu ku soo dhammaaday guul,kulamana la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti, Wasiirka ArrimahaDibedda Giulio Terzi, Wasiirka Difaaca Gianpaolo Di Paola, Wasiirka ArrimahaGudaha Annamaria Cancellieri, iyo Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibedda StaffanDe Mistura. Labada dowladood waxey isku raaceen:

1.     in si deg-deg ah loo dhaqangeliyomashaariicdii horey Talyaanigu u ballanqaaday ee loo qoondeeyey lacag gaareysa15 million Euros.
2.    In 200 Ciidanka booliska Soomaaliyeed tababar gaar ah oo 12 usbuuc soconaya lasiin doono.
3.    In deeq waxbarasho loo fidiyo oo lagu soo baranayo waxbarasho militariga ah iyobooliska.
4.    In Dowladda Talyaaniga ay kordhin doonaan gar-gaarka bani’aadanimo.
5.    In Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ay guddi wadajir ah sameysan doonaan siwasaaradaha dowladda Soomaaliya looga saacido habsami u socodka howlaha dowligaah.

Golahuwaxey warbixin ka dhageysteen guddigii loo xilsaaray ka guurista goobahadowlada oo ay sheegeen inay si wanaagsan ku bilowdeen oo goobo muhiim ah lagasaaray dadkii degenaa oo ay ka mid yihiin gurigii hooyooyinka, madxafkaqaranka,  Jaamicadii Shabelle, XaruntiiDowladda Hoose ee Secondo Lido (teeserayaasha), Bacadlaha, iyo JaamicaddiiBoolitikniko, lana filayo in goobaha dhiman si dhaqso leh looga guuro.

GolahaWasiiradu waxey ku ammaaneen shacabka Soomaaliyeed iyo dadkii degenaa goobahadowladda sida quruxda badan ee ay ku fuliyeen awaamiirtii dowladda, kana codsadeeninay la sii shaqeeyaan si dhammaan goobaha dowlada looga baxo oo shacabkaSoomaaliyeed loogu fuliyo adeegyadii bulshada ee muhiimka u ah shacabkaSoomaaliyeed.

—-Dhamaad—-