Kulan wadatashi oo looga hadlayay kobcinta iyo tayeynta Fanka Soomaaliyed oo Muqdisho lagu qabtay + Sawiro

Kulan wada tashi ah oo ay iska kaashadeen Hey’adda Cilmi baarista iyo wada tashiga CRD iyo Wakaalada Murtida, Madadaalada iyo Farashaxanka Soomaaliyed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan looga hadlayay kobcinta iyo tayeynta Fanka Soomaaliyed.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen Abwaano, Xildhibaano, Mas’uuliyiinta Hey’adda CRD, Fanaaniin ka socotay Hobolada Horseed, Waabari, Heegan iyo Onkod ayaa socon doona muddo labo maalmood ah.

Ugu horeyn kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay muuqaal kooban oo ku saabsan Tiyaatarka qaranka oo xilligan la qorsheynayo in dib loo dhiso, kadib markii muddo 20-sano kadib dib loo furay.

Maareeyaha Golaha Murtida, Madadaalada iyo Farshaxanka Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa ugu horeyn ka hadlay heerarka ay soo mareen Fanaaniinta Soomaaliyed, kuwaasoo markii uu dalka bur buray kala tagay, hase ahaatee haatan uu bilowday sidii dib la isugu keeni lahaa, isla markaana Fanka Soomaaliyed loo dhaqaajin lahaa.

Abwaan Cabdi Dhuux ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka kadib ay suura gashay in Fanaaniinta ay isu yimaadaan, iyagoo diyaar u ah inay wada shaqeeyaan, isagoo xusay in 8-bilood kadib markii Tiyaatarka la furay iyo maanta uu farqi weyn u dhaxeeyo.

Waxaa uu uga mahadceliyay Hey’adda CRD dadaalka ay gelisay Fanka Soomaaliyed sidii loo soo nooleyn lahaa, isagoo xusay in dhowaan Engineero ay ka keentay Magaalada Nairobi si ay u qiimeeyaan dayactirka Tiyaatarka, iyo meelaha laga ambaqaadi karo in dib loogu dhiso Golihii Murtida iyo Madadaalada.

Madaxa Hey’adda Cilmi baarista iyo wada tashiga CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in Fanaaniinta looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan nabada iyo horumarka, isagoo xusay in fanaanka aanu qof laheyn, qabiil laheyn, isla markaana ay yihiin udub dhexaadka bulshada, isagoo uga digay inaysan koox yar aanay jeebkooda gelin.

Waxaa uu xusay in maalintii la furayay Tiyaatarka, isla markaana caalamka oo idil laga daawaday Muqdisho iyo Soomaaliya ay is bedeshay, waxaana uu carabaabay in horumarka socda uu qeyb ka yahay farshaxanka oo dib u soo noolaaday, isla markaana wadooyinka qaar laga taagay boorar waa weyn farshaxan ah oo ka turjumaya horumarka iyo nabada.

Mar uu soo hadal qaaday yaboohii lacageed ee in dib loogu dhiso Tiyaatarka uu yahay mid qorshihiisa socda, isla markaana dhowaan la guda geli doono, waxaana uu sidoo kale soo qaatay in barnaamijkii Heesaha Hirgalay dhowaan la bilaabi doono, lana keenay qalabkii Muusikada ahaa oo lagu qaban lahaa Tartanka Heesaha hirgalay.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ah Fanaan Soomaaliyed ayaa sheegay in fanka uu ahaa halkii Soomaaliya laga xoreeyay oo gobonimadii xornimada doonka qeyb libaax ah looga qaatay, waxaana uu ugu baaqay fanaaniinta inay isku duubni sameeyaan.

Prof. Dhalxa ayaa sheegay in qeybaha bulshada laga beegsado ay tahay dadka waxgalka ah, sida Fanaanka, Suxufiga, iyo aqoonyahanka, waxaana uu tilmaamay in taasi tahay in cod dheer looga soo horjeedo.

Intii uu socday kulankan wada tashiga ayaa Fanaaniinta ka qeyb gashay isku weydaarsaday fikrado iyo aragtiyo ku aadan qaabka loo tayen karo fanka, loona kobcinayo, waxaana ay soo qaadanayaan in Fanka ahaa mid dhinaca nabada iyo dhiira gelinta shacabka looga qeyb qaadan karo.