Kulan uu madaxweyne Sharif la qaatay bulshada reer Afgooye oo soo gaba gaboobay

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha, culumad,udiinka, aqoonyahanada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Afgooye.

Kulanka oo ka dhacay beerta Sheekh Zayid Ala Nahyan ee degmada Afgooye ayaa waxaa amaankiisa sugayey ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale waxaa goob joob ka ahaa gudoomiyaha gobolka Sh/hoose iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyey goobta ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay degmada Afgooye isaga oo  u sheegay shacabka in ay Afgooye tahay magaalo muhiim ah oo hadii ay xasisho ay xasilayaan deegaanada kale.

Waxa uu ugu baaqay in ay shacabka la shaqeeyaan dowlada KMG Soomaaliya isla markaana ay xiriir toos ah la yeeshaan maamulka dowlada.

Wasiirka arrimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud ayaa isna sheegay in dowlada ay ugu tala gashay degmada Afgooye ciidamo gaar ah oo ilaaliya amaanka iyo kala danbeynta.

Madaxweynaha ayaa xalay ku hoyday degmada Afgooye waxaana lagu wadaa in caawa uu kusoo hoydo aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.