Kulan uu madaxweynaha la qaatay xildhibaanada ku kacsan Sharif Xasan oo mar kale fashil ku dhamaaday

Warar hoose oo aan ka helnay kulan maalnti labaad Muqdisho ku dhexmaray mudanayaal wakiil ka ah xildhibaanadi xilka ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegaya in aanan xal laga gaarin.

Kulankan oo daba socdo mid shalay labada dhinac ay ku yeesheen xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa loogaga hadlayaa habka ugu macquulksan ee xal loogaga gaari karo qilaafka baarlamaanka.

Xildhibaanada maanta la kulmay madaxweynaha oo ah 10 mudane wakiilna ka ah 283 xildhibaan oo 13-ki bishaan xilka ka qaaday afhayeenka baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa diiday in ay ka laabtaan mowqfikoosa.

Warar kale ayaa sheegaya in ay madaxweynaha ka aqbaleen in xaalada la dajiyo, balse waxay codsadeen in ay dib ula laabtaan go,aanka madaxweynaha xildhibaanada kale oo iyana shir ku leh maanta mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka ayaanan wali xalin qilaafka ka dhaxeeya, mudanayaasha ku kacsan Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa ku adkeysanaya xil ka qaadista, halka afhayeenka baarlamaanka uu diidanyahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.