Kulan muhiim ah oo xiligaan Muqdisho ku dhex marayo wafdi ka socda UN-ka iyo xubno ka socdo xildhibaanadi xilka ka qaaday Sharif Xasan.

Kulan xasaasi ah ayaa xiligaan waxa uu ku dhex marayaa xerada Xalane xubno wakiil ah xildhibaanadi xilka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka iyo wafdi dhex dhexaadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay.

Xubnahan oo shalay gelinki danbe soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Christian Manhal waxaa sidoo kale la socda wakiilo ka kala socda Midowga Africa, IGAD iyo Midowga Yurub.

Shirkan oo ah mid ay albaabada u xiranyihiin waxaa xildhibaanada ka qeybgalaya oo gaaray 30 xubnood ka dhex muuqda Madoobe Nuunow Maxamed oo ay 13-ki bishaan xildhibaanada u doorteen gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka, Xildhibaan Cumar Islow oo mar ahaa gacanta midig ee Shariif Xasan iyo Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere.

Inkastoo aysan wali wax war ah kasoo bixin ayaa labada dhinac waxa ay ka hadleen sidi xal loogaga gaari lahaa qilaafka baarlamaanka, sidoo kale wafdigaan waxay gudaha madaxtooyada kula soo kulmeen xubno ka tirsan baarlamaanka garabka taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Goor hore oo maanta ahna waxay madaxtooyada si kala duwan ugula soo kulmeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka, iyaga oo kala hadlay sidi loo dhameyn lahaa qilaafka cusub ee ragaadiyey baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.