Kulan maanta Dhexmaray Madaxweynaha iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh iyo gudoomiyayaasha 17ka degmo ee G/banaadir.

Madaxweynaha ayaa kulankaas ka sheegay in magaalada Muqdisho ay yaalaan illaa 60-Jidgooyo ama Isbaaro kuwaasoo ay lacago ka qaataan shaqsiyaad la bar yaqaano sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inta isbaarooyinkaas ay yaalaan magaalada in wax ammaan ah la leheli karin.

“Gabadha ama islaanta ku nool Muqdisho ee rabta in ay soo aado bakaaro ama degmo kale, waxay reerka ku tiraahdaa hala iisoo duceeyo waxan aadayaa suuqa bakaaraha, taasi ma ahan mid nabad ku ah degmooyinka Muqdisho” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Garguurte ayaa gudoomiyayaasha degmooyinka usheegay ineey layimaadaan isbadal muuqda sida ay ay doowladaba iskubadashay.

“Maamul quruxbadan ma heesataan inta aad lee dihiin wiilka jooga isbaaro ma heesto xuquuqdiisa aasaasiga, aan soo afjaro waxaas”

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in dad badan ay aaminsan yihiin collaadda ka taagan gobalada dalka in laga soo abaabulay Muqdisho.

Dad badan oo caalamka ku nool ama kuwa kale oo Soomaali ah ayaa aaminsan haddii collaad ay ka dhacdo gobalada dalka in laga hurinaayo Muqdisho, waa in fikirkaas la badallo Kalsoonida shacabka ma ahan sidaas” ayuu yiri.

Kulanka uu madaxweynaha la qaatay gudoomiyayaasha degmooyinka G/banaadir ayaa imaanaya xili ay soo badanayaan dhibaatooyinka ay ciidamada shacabka ku hayaan, waxaana dhibaatooyinkaas marka ciidamada laga yimaado sababteeda leh gudoomiyayaasha degmooyinka oo aan iyaga xil ween iska saarin ilaalinta shacabka ay masuulka kayihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here