Kulan loogaga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo lagu soo gabgabeeyey magaalada Addis Ababa

Kulan looga hadlayay arimaha AMISOM iyo ciidamada dowladda ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa arrimihii looga hadlayay iyo go’aanadii kasoo baxay waxaa faah faahin ka bixiyay dowladda KMG.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa waxa uu  sheegay in kulanka ka dhacay Itoobiya uu ahaa mid ay ka soo qeybgaleen wasiiradda Gaashaandhiga dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Xuseen Carab Ciise ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi looga hadlayay arimo la xiriira ciidamada AMISOM oo haatan la kordhiyay iyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu sheegay in laga wada hadlay midaynta ciidamada AMISOM iyo hogaankooda, iyo sidoo kale sidii wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo sugida amaanka dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in go’aanada kasoo baxay Shirkaasi in gudaha dalka lagu tababaro ciidamada xooga dalka si ay u xoogaystaan islamarkaana ay awood ugu yeeshaan in ay la wareegaan amaanka dalka marka ay isaga baxaan ciidamada AMISOM.

Wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee kulanka goobjooga ka ahaa ayaa waxa ay kala ahaayeen dalalka Burundi, Uganda, Ethiopia, Kenya, Sere lion  iyo Soomaalida oo kulanka uu iyada ku saabsanaa oo ay uga qeyb galeen wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka.