Kulan looga soo horjeeday Mahiga oo Mudqisho ka dhacay

Kulan ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka oo looga soo horjeeday ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Augustine Mahiga ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Mahiga oo sanadkaan horaantiisi magaalada Muqdisho usoo guuray isaga iyo xafiiskiisa Siyaasada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa waxa tan iyo marki loo soo magacaabay Soomaaliya soo baxayey dhaliilo ay usoo jeedinayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadki ka hadlay shirki maanta ayaa dhamaantooda ku tilmaamay Ambassador Mahiga nin doonaya inuu kala qeybiyo Soomaaliya isla markaana kasoo horjeeda horumarka dalkan ku yaala dhanka bari ee Africa.

Sheekh Axmed Dhicisow oo ka mid ah culimada ugu caansan Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho oo qudbad xasaasi ah ka jeediyey goobta ayaa sheegay in Mahiiga uu lug weyn ku leeyahay dhamaan qalalaasaha siyaasadeed ee iminka dhex yaala baarlamaanka isaga oo ka codsaday Qaramada Midoobay in ay badalana ninkan kasoo jeedo dalka Tanzania.

Waxa kale oo uu sheegay in uu hada qorsheynayo in marka uu dhamaado waqtiga KMG ah uu u gudbiyo UN-ka xog ah in Soomaaliya ay heshiin weysay sidaasi daraadeedna ay Qaramada Midoobay xakunto isagana loo dhiibo arrimaha Soomaaliya.

Ma ahan marki ugu horeysay ee Augustine Mahiga eedeyn uga timaado qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaalida, waxaa dhawaan sidaan oo kale u eedeeyey Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya Maxmed C/laahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.