Kulan looga hadlayo arrimaha biyaha ee Soomaaliya oo lagu qabanayo dalka Jabuuti.

Kulan ay soo qabanqaabisey Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) loogagana hadli doono  arrimaha Biyaha ee dalka Soomaaliya ayaa dhamaadka bishan Janaayo lagu qabanayaa dalka jabuuti.

Kulankan oo ah kii 2aad oo noocisan oo kale ah ayaa lagu wadaa inay ka soo qeybgalaan ururo arrimaha gargaarka ka shaqeeya xiriirna la leh ururka Iskaashiga Islaamka si wax loogaga qabto arrimaha gargaarka e dalka Soomaaliya.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee ururka OIC u qaabilsan arrimaha gargaarka Ambassador Atta El-Mannan Bakhit ayaa sheegay in kulankan uu dabo joogo kulan hore oo bishii Oktoobar ee sanadkii hore lagu qabtay magaalada Qahira ee dalka Masar  kaasoo lagu go’aamiyey in laga qodo guud ahaan  dalka Soomaaliya illaa iyo 650 ceel  gaar ahaan deegaanada ay saameeyeen abaaraha kuwaasoo beeraleyda iyo xoolodhaqatada ay dhibaato ka soo gaartay.

Ambassador Bakhit ayaa intaa ku daray in ururka OIC uu horeba u bilaabay inuu gargaar gaarsiiyo dadka abaaraha ku waxyeeloobay isagoo xusay in in hal malyan iyo shan boqol oo kun oo ruux oo Soomaali ay gargaar gaarsiiyeen dadkaas oo ku nool boqolkiiba toddobaatan deegaanada ay maamulaan ururka Alshabaab iyo boqolkiiba soddon deegaanada kale.


Mr Bakhit waxa uu intaa ku daray in ururka OIC uu ku guuleystey in gargaar gaaraya  50000 tons uu gaarsiiyey Soomaaliya taaso gacanka geysatay sidii loo yareyn lahaa carruurta gaajada u dhimanaysay.

Sidoo kale Mr Bakhit  waxa uu hoosta ka xariiqey in illaa gargaarka degdegga ah ay ka caawiyeen illaa boqol xero oo ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah.