Kulan looga hadlayay Xuquuqul-insaanka oo maanta Muqdisho lagu qabtay+Sawiro

Maanta, Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah waxay xuseyn Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul-Insaanka, iyadoona fiiro gaar ah lasiinayo Xurriyadda hadalka iyo baahida loo qabo joojinta dilalka qorsheysan iyo weerarada weriyayaasha ee Soomaaliya.

Kulankaan, ayaa waxa uu kadhacay Xaruunta Xallane oo ah saldhiga ugu weyn Ciidamada AMISOM ee nabad ilalinta ujooga Soomaaliya, waxaana kasoo qayb galay Safiirada Midowga Yurub, Mareeykanka, Talyaaniga, iyo wadamo kaloo farabadan.

Sidookale kulankaan waxaa kasoo qayb galay, wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya, Wakiilka QM Soomaaliya uqaabilsan Mahiga, waxaa kaloo joogay qaybaha kala duwan ee Xuquuqul-Insaanka.

Ka qayb-galayaasha kulankaas waxay ka doodeen arrimo ballaaran, oo laxiriira sida nabadgelyada Wariyayaasha, iyo ladagaalanka ka baxsashada sharciga(impunity), mabaadi’da xirfadeed iyo anshaxa ee howlwadeenada warbaahinta iyo qaabaynta Saxaafada.

Kulankaan, ayaa waxaa laga soo jeediyay Talooyin badan si wax looga qabto dhibaatooyinkaas, waxaana kamid ah in hoosta laga xariiqo baahida ah in la waafajiyo sharciga Warbaahinta ee 2007 dastuurka qabyada ah iyo in lasii hor mariyo hab anshaxa xirfadeed ee qaybta warbaahinta iyadoo islamarkiina la abuurayo duruufo ay wariyayaasha ku heli karaan daqli howsha ay qabtaan.

Midowga Yurub, waxay ballan qaadeen ineey diyaar uyihiin in ay kaalmeeyaan qaybha warbaahinta Soomaaliya, iyo sidoo kalemaamulada Soomaaliyeed.

Natiijooyinkii uguw aaweeynaa ee lasoo jeediyay ayaa ahaa in laysla garto nuuca kaalmada deeqbixiyaasha ee qaybtan muhiimka ubaahantahay.

Sidoo kale Midowga Yurub, waxay sheegeen ineey diyaar uyihiin ineey gacan ka siiyaan doowlada Soomaaliya, gaar ahaan ballan qaadkii uu dhowaan madaxweyne Xasan Shiikh sameeyay ee ahaa latacaalida arinka ka baxsashada sharciga(Impunity), iyo in la abuurogudi baara dilalka wariyayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here