Kulan looga hadlayay doorka Odayaasha dhaqanka ku leeyihiin Bulshada oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay (Sawirro)

Kulan labo maalmood soconayay oo looga hadlayay doorka Odayaasha dhaqanka arrimaha bulshada iyo nabada ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyo School Polizio, iyadoo kulankan ay soo qaban qaabiyeen Hey’adda Cilmi baarista iyo wada tashiga ee CRD iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Ujeedada kulankan oo ahaa in lagu xaqiijiyo doorka Oday dhaqameedka iyo sidii loo horumarin lahaa, gaar ahaan dhinaca la xiriira bulshada dhexdeeda, sidii sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen loo soo celin lahaa, ayaa ka dambeeyay cilmi baaris ay sameysay Hey’adda CRD.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen ilaa 400-duubabka dhaqanka oo ka kala socday Gobolada dalka, sida Odayaal ka socday, Sool, Sanaag, Jubooyinka Bay iyo Bakool, iyo odayaal ka soo jeeday Koofurta Soomaaliya.

Furitaankii Kulankan oo ay ka qeyb galeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Beeraha Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiir kuxigeenka wasaaradaas ayaa waxay si isku mid u muujiyeen in doorka duubabka dhaqanka yahay mid lagama maarmaan u ah bulshada.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Beeraha ayaa sheegay in doorkii Odayaasha dhaqanka la siyaasadeeyay, isla markaana loo baahan yahay in dib loo soo celiyo dhaqankii Odayaasha ee ahaa inay hormuud u ahaayeen hogaanka Bulshada.

Jabriil Ibraahim Cabdulle Madaxa Hey’adda Cilmi baarista iyo wada tashiga CRD ayaa sheegay in kulankan ku saabsan yahay sidii doorka Odayaasha loo muujin lahaa, isla markaana cilmi baaris lagu xaqiijiyo duubabka saxda ah cida ay yihiin iyo kuwa aan duubabka aheyn.

“In Cilmi baaris lagu sameeyo duubabka la isku heysto, sida la socotaan qaar baa sheegta inay duubab yihiin, iyo qaar sax ah, marka si sida saxda ah in loo soo gudbiyo, si loo xaqiijiyo yaa ah qofka rasmiga ah ee duubka”ayuu yiri Mr Jabriil.

Sidoo kale Jabriil ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in Oday dhaqameedka yahay dad rasmi ah oo la yaqaano, isla markaana ay noqdaan dad mas’uuliyad leh, si buu yiri hogaanka bulshada ay u hantaan.

“Odayaasha waxay u yimaadeen cilmi baaris iyo wada tashi la soo uruuriyaan, si ay wax ugu daraan, waxna uga dhimaan”ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle oo sheegay in dhowaan shacabka loo soo bandhigi doono warbixinta laga diyaarinayo cilmi baarista iyo talooyinka Odayaasha laga soo uruuriyay.

Fikradaha iyo aragtiyada laga uruuriyo odayaasha dhaqanka ayaa laga soo saari doonaa Warbixin guud, taasoo la horgeyn doono Baarlamaanka, waxaana intii ay socotay dooda ku saabsaneyd doorka Odayaasha dhaqanka ee xilligan ayaa odayaasha qaarkood soo gudbinayeen aragtiyo kala duwan oo ahaa in qaar ka mid ah Duubabka aanay aheyn kuwii la yiqiin.

Mid ka mid ah Oday dhaqameedyada ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in dadka meesha isugu yimid aanay aheyn duubkii la yiqiin, isagoo xusay dadka faraha badan ee isugu yimid marka la ogaado yaa duub ah in tirada ay yaraan doonto.

Doodan oo aheyd mid si saraaxad leh u dhacday ayaa aheyd midii u horeysay ilaa 400-oday dhaqameed ay fursad isu helaan inay is weydaarsadaan talooyinka la xiriira duubabka dhaqanka kaalinta bulshada ku leeyihiin.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo in Odayaasha dhaqanka ay soo xulaan Xubnaha ku fariisan doona kuraasta Baarlamaanka cusub, waxaana tani horu dhac u noqoneysaa si loo helo Duubabkii saxda ahaa ee la yiqiin, si aanay u dhicin in siyaasi saaxib gooni la ah Oday dhaqameed, berina markii uu xil ku helo uu meesha ugu tago.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.