Kulan loga hadlayay ammaanka oo xalay muqdisho lagu qabtay

Madaxweynaha uu xilkiisa maanta ku egyahay ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay shir gudoomiyey kulan xaasaasi ah oo looga hadlayey ammaanka iyo siyaasadda dalka maadaama la gaaray waqtigii loo asteeyey in lagusoo afjaro KMGka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/samad Macalin Maxamuud, taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay Ciidammada Midowga Afrika oo uu hogaaminayey Taliyaha Ciidammada AMISOM.

Kulanka ayaa markii uusoo idlaaday waxaa saxaafadda wadajir ula hadlay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM Andrew Gutti waxaana ugu horeyn uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed hadalkiisa ku bilaabay:-

“waxaan isugu nimid inaan qiimeyno xaalada nabadgelyo iyo xaalada siyaasadeed anagoo fiirineyna nabadda u jeedaduna waxey tahay in la xoojiyo nabadda wax kasta oo nabadda dhibaateyn karana in laga hortago,waxyaabaha siyaasiga ee taaban kara nabadana in xalkooda lagu dadaalo”

Mar uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka hadlayey doorka odayaasha dhaqanka iyo heshiisyadii hore waxa uu yiri “heshiisyadii lasoo gaaray sida ay ahaayeen waa in loo fuliyo,odayaasha dhaqanka in lagu ixtiraamo soo xulidda Xildhibaannada,gudiga farsamadana in iyana lagu ixtiraamo shaqadooda lana hubiyo ineysan ka gudbin xuduudii loo dhigay si aynu u dhameyno kala guurka, wixii khilaafaad ah ee jirana nabad lagu xaliyo”

Gaba gabadii ayaa Madaxweyne shariif fariintaan u diyaray shacbiga Soomaaliyeed “dadka Soomaaliyeed ee I dhageysanaya waxaan rabaa inaan ka codsado in nabadda lagu dadaalo,waayo 20sano kabadan ayaan colaad kusoo jirnay, ma rabno inaan dib ugu laabano wadadii hore ee adkeyd,ma rabno cadowgii aan ka adkaanay inaan fursad siino iyo cid kasta oo nabadda cadow ku ah, inaanan qofna si gaar ah loo bartilmaameedsan ayadoo qof walba xuquuqda uu leeyahay ee siyaasiga ah loo damaanad qaadayo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here