Kulan ku dhex maray Baydhabo Malaaqyada iyo waxgaradka gobolka Bay iyo saraakiisha ciidamada Dowlada ee magaalada Baydhabo

Kulan ku saabsan sidii loo sugi lahaa ammaanka magaalada Baydhabo isla markaana dadka shacabka ah ay u heli lahaayeen nabadgelyo ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen malaaqyada iyo waxgaradka gobolka Bay ayaa waxa ay ka codsadeen saraakiisha horkacaysa ciidamada dowlada iyo maamulka gobolka Bay ee dowlada kumeelgaarka ahba inay ka shaqeeyaan ammaanka isla markaana aan dadka lagu xadgudbin, malaaqyada ayaa u sheegay saraakiishan in muddo saddex sano ah ay dadka Baydhabo ku noolaayeen ammaan iyo nabadgelyo haatana ay waajib ku tahay ciidamada dowlada inay ilaaliyaan ammaanka.

Kulankan oo uu ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay xildhibaan M     axamed Ibraahin Xaabsade oo kamid ah saraakiisha horkacaysa ciidamada dowlada ayaa u ballanqaaday malaaqyada iyo waxgaradka gobolka Bay inay ka shaqeyn doonaan ammaanka isla markaana laga hirgelin doono magaalada Baydhabo nabadgelyo taam ah.

Kulankan ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidamo kamid ah kuwa dhowaan la wareegay magaalada Baydhabo ay bilaabeen in ay dhac u geystaan dad lagu tuhmayay inay taageero u ahaayeen ururka Alshabaab.

Waxaana xalay iyo saaka ka socday magaalada Baydhabo baaritaano lagu samaynayay xaafadaha ku yaal magaalada Baydhabo.

Ciidamada dowlada oo ay la socdaan ciidamo Itoobiyaan ah ayaa labo maalmood ka hor la wareegay maamulka magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.