Kulan ka tirsan koobka Gen Daa’uud oo la cayaarayo

Kulan ka tirsan koobka Gen Daa'uud oo la cayaarayo
Kulan ka tirsan koobka Gen Daa’uud oo la cayaarayo

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka furmay koobka labaad ee dalka Soomaaliya, Gen Daa’uud, kaasoo ay ka qaybgalayaan qaar ka mid ah kooxaha heerka kowaad iyo heerka labaad ee dalka.

Haddaba galabta waxaa garoonka Koonis ku ballansan kooxaha Heegan iyo Dahabshiil.

Kooxda ciidanka booliska ee Heegan ayaa ku jirta kaalinta seddaxaad ee kala horeynta horoyaalka waxaana la sheegayaa in ay ka awood badan tahay kooxda Dahabshiil oo ah koox ka socota kooxaha heerka labaad ee dalka.

Waa kulankii labaad ee laga cayaaro koobka Gen Daa’uud tan iyo markii uu furmay toddobaadkan.

Natiijada cayaartan kala soco bogga Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here